Sehnsucht nach Frieden (somali) Drucken
Quursigii noqey cudur, 
qalin lagu daweyn karin
 von Abdullahi A. Osman
 

Qarniyo badan ka horoow
Qoys buu ahaa Aadmigu
Deegaan qura ku noolo
Qaawanoo is garab dega
Debka wada qaaqama
Haddey gaajo qabatana
Qudaar geedaha ka goosta
Ama Qaanso, Falaar iyo dabin
Quudkiisa ku raadsada
Kuwa baahi qaxaa iyo
Qaaxootina ma uu  jirin.

Kuwaan quusaneynoo
Qur gooyaba ha gaartee

Qarsinkoodoo buuxsama
Qasadkoodu uu yahey
Damaca iyo Quursigu
Qaloocuna wuu jirey
Haddii la is qiilaafoo
Hubka la isku qaatana
Qarax iyo Xasuuq badan
Qasaarahani ma uu jirin.

Qoyskii hadaba taran
Qaaradana u kala guur
Qaar baa Dayax tegey
Kuwana qaawan waliyoo
Debkii qaaqamaayaan
Inkastoo dhibaatada qaar
Qodobo iyo xal loo heley
Jahligiina la quusiyey
Qoonsigii sii badey
Quursigii  noqey cudur
Qalin lagu daweyn karin.

Waayaha qiraayoo
Nabadaan Qalin lagu helin
Qorey laguma gaaroo
Qasaarihii ogaanaye

Waxaan qaawilaayaa
Dagaalada qaraar iyo
Qaxa oo xal loo helo
Qaraxa iyo hubkuna go’a
Qofna baa la  dhimanoo
Laga gudbo quursiga
Aadmiguna sidii qoys
Qarniyo nabad ku wada nool.

erschienen in: Talktogether Nr. 29/2009